Huuri

3 Huuri oo dul sabaynaya biyaha Baraawe, Shabeelaha hoose

Huuri (Af Ingiriis : Sewn boat) waa dooni kalluumaysi oo alwaax ka samaysan, labada dhinac loogu yeelo laba badeel oo lagu kexeeyo, huurigu ma laha matoor socodsiiya, huuriga ayaa loo taagaa marmar shiraac si loogu kaalmaysto xawaaraha socodka, waana marka hawadu u dhacayso halka loo socdo, huuriga ayaa afar mitir iyo ka yar ah, nooca ay soomaalidu samayso badanaa waxaa loogu talo galay labo qof.

Qaabdhismeedka huuriga

Huurigu wuxuu ka mid yahay aaladaha dadku isticmaali jireen tan ilaa iyo bilowgii ilbaxnimada.[1] Waxaana cilmibaadhis lagu ogaaday in laga isticmaali jirey meelo badan oo dunida ah.

  1. McGrail S. and Kentley, E., 1985. Sewn plank boats: Archaeological and Ethnographic papers based on those presented to a conferences at Greenwich in November 1984. National Maritime Museum, Greenwich

From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Tubidy