Boosaaso

Boosaaso

Bosaso

بوساسو
Caasimad
Sawiro meelo kala duwan Magalaada Boosaaso
Boosaaso is located in Somalia
Boosaaso
Boosaaso
Halka Boosaaso kaga taalo Soomaaliya.
Dalka Soomaaliya
GobolBari
DegmoBoosaaso
La aas aasayQarnigii 14-aad dhexdiisa - [xigasho u-baahan]
Dowlada
 • Guddoomiya Golaha Deegaanka ahna Duqa MagaaladaCabdisalaam Bashiir Cabdisalaam
Joogga
15 m (49 ft)
Tirada dadka
(2013)
 • Dhammaan1,000,000
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Websitebosasomunicipality.com
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longm" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "coordinates_region" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longEW" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "coordinates_display" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longs" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longd" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "latNS" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "lats" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "latd" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "latm" (this message is shown only in preview).

Boosaaso (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Bosaso; sidoo kale loo yaqaano Benderqaazim waa magalo ka mid ah magaalooyinka ugu waayayn Soomaaliya, waana magaalada ugu weyn Magaalooyinka maamul gobolleedka Puntland isla markana waa magalada 3-aad ee ugu weyn magalooyinka Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho iyo Hargeysa. Waa magaalo aad u soo koreysa, waana Magaalada 3-aad ee ugu koriinshaha badan marka laga reebo muqdisho iyo hargeysa. Magaladaan waa magaalo ganacsi iyo saqaafadeed waxaa degan dad lagu qiyaasaayo 1000,000 oo qof tirakoob laga sameeyay 2013, Dekeda magaalada Boosaaso waxay ka mid tahay dekedaha ugu mashquulka badan dekadaha wadanka Soomaaliya, waxaana taas usuurta geliyay dadka deegaankaas degan oo ah dad ku tiirsan gacansiga iyo dhammaan gobalada Soomaaliya iyo kuwa wadamada deriska ah sida degaanka Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya) ee Itoobiya oo aad u isticmaala dekada magalada Boosaaso. Boosaaso wa magaalada ugu fog dinaca bariga oo qaaradda Afrika ku yaal.

Bari waa Gobalka ay ka tirsantahay Magalada Boosaaso, waxayna u tahay magaalo madax. Intaas waxaa dheer, magaaladaan waxay utahay degaanada Puntland magalada ugu weyn uguna dadka badan uguna muhiimsan xag-kastaba, waxayna hogaanka uhaysa ganacsiga, waxbarashada Iyo horumarka gobaladaas waxayna maamul ahaan hoos tagtaa maamul-goboleedka Puntland. Boosaaso waa magaalo ay nabad iyo xasiloon ka jirto sida magaaloyaasha kale oo ku yaalo woqooyiga. Magaaladaan waa magaalo ku dadaasha horumarka. Boosaaso waxay leedahay hoteelo badan oo aad u casriyeysan iyo meelo lagu caweeyo, sida meelaha internetka lagu galo iyo maqaayado farabadan. Magalada waxay u dhowdahay buuro iyo goob loo dalxiis tago oo aad u quruxbadan waxaana kamida buuraha mareero, deegaanka gerible, Baalade, Gaaca, Biyo kulule, laag iyo Karin oo dhamaantood dalxiiska ku wanaagsan.


From Wikipedia, the free encyclopedia · View on Wikipedia

Developed by Tubidy